How To Wear And Care For Your Splint Somali Page 2

ADVERTISEMENT

Sidee loo xidhaa oo loo dhawraa
taageerada kabniinkaaga
Taageerada kabniinkaagu waa mid adiga laguu sameeyey si uu u ilaaliyo
in lafahaaga iyo xubnahaagu si fiican isu qabsadaan inta ay xidhan
yihiin. Waa inaad raacdaa talooyinka hoos ku qoran oo barataa sida loo
xidho ee loo dhawro kabniinkaaga.
Markaad xidhan tahay taageerada kabniinka (raaca
talooyinka calaamadsan)
Had iyo jeer xidho kabniinka. Taageerada kabniinka oo aad iska
furtid waxa laga yaabaa inuu nabarka sii dhaawaco. Marka aad
bogsato dhakhtarkaagu wuxuu ku siin doonaa talooyin kale.
Xidhnow taageerada kabniinka haddii aadan jimicsanayn ama
maydhanaynin.
Xidhnow taageerada kabniinka habeenkii iyo xilliyada aad nasanayso
oo kaliya.
Xidhnow taageerada kabniinka maalintii oo kaliya.
Digtoonaansho
• Ka ilaali taageerada kabniinka ololka waayo waxa laga yaabaa inuu
gubto.
• Taageerada kabniinka ka durki kulaylka, biyaha kulul, iyo in
uu cadceedda in badan yaallo, amase gaadhiga oo kulul uu ku
xidhnaado. Kulaylka oo ku bataa waxuu ka beddeli karaa qaabka.
• Dhig gacantaada iyo dhudhunkaaga barkimo dusheed amase loox
marka aad huruddo amase aad fadhidid.
How to Wear and Care for Your Splint. Somali.
1

ADVERTISEMENT

00 votes

Related Articles

Related forms

Related Categories

Parent category: Medical
Go
Page of 4