Scapular Shoulder And Elbow Theraband Exercises - Somali Page 2

ADVERTISEMENT

Jimicsiga Laastiigga ee Garbaha
iyo Suxulka
• Jimicsyadan Laastiigga ‘Theraband’ waxay kaa caawin doonaan
inaad kor u qaaddid xooggaaga iyo adkeysigaaga. Cilaajiyahaaga
ayaa ku tusaya sida iyo halka lagu xiro laastiigga si aad uga heshid
faa’idada ugu badan xilliga jimicsiga.
• Samee jimicsiyada uu calaamadeeyey cilaajiyahaagu oo qura. U
fariiso ama u istaag sida lagu tusay. Hagaaji kakanka laastiigga
adigoo ka dhigaya xirmo weyn ama xirmo yar. Ku heynta laastiigga
meel u dhow ama ka fog halka uu ku xiran yahay waxay kaloo
beddeshaa kakanka laastiigga.
Ku celi jimicsi kasta _____ jeer ee _____ jeer maalintii.
Kakanka laastiigga ‘theraband’:  jaalle
 gaduud
 cagaar
 buluu
 madow
 qalin
‰ Qiimeynta murqaha garabka:
Laastiigga ku xir xagga hoose ee miiska ama
kursiga ama cagtaada hoosteeda. Gacantaada
ku hey dhinacaaga oo garabkaaga xagga sare u
gundhi.
‰ Dib u-noqoshada muruqyada garabka:
Laastiigga ku xir qabatada albaabka oo
u jeeso xagga albaabka. Gacantaada oo
hortaada ku fidsan ku qabso laastiiga.
Garabkaaga u dhaqaaji xagga dembe
gacantaada oo oo weli fidsan.
Scapular, Shoulder and Elbow Theraband Exercises. Somali.
1

ADVERTISEMENT

00 votes

Related Articles

Related forms

Related Categories

Parent category: Education